CAJIIB Daawo: Ragga Oo Dhagax La Dhaca Xaruntii CARAWEELO Iyo Haweenka Oo Ubax Dhiga.

0

Akhristoow subaxba wax kaa yaabiyaad arkeeysaane Muuqaalka aad halkaan hoose ku daawan doontaan waa mid yaab badan balse qiso xambaarsan, ayadoo laga waramayo haweeney taariikhda Soomaalida caan ka ah oo lagu magacaabi jiray Caraweelo.

Caraweelo ayaa sida lagu sheego taariikhda waxay xiniin yahay ka saari jirtay ragga, waxayna kor u qaadi jirtay haweenka.

Video laga soo duubay rag iyo dumar isugu soo baxay qabri la sheegay in haweeneydani ku aasan tahay ayaana raggu dhagxaan la dhacayaan halka dumarkuna ubax cas iyo caleemo qoyan saarayaan.

Toloow Caraweelo maanta hadey joogto ama nooshahay Ragga Soomaaliyeed ee hadda joogaa sidee yeeli lahayd?

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com