War Deg Deg Ah: Kooxda Alshabaab Oo Saddex Ruux Meel Fagaare Ah Ku Toogtey

0

Muqdisho(AGGM): Kooxda Argagixisada Ah ee Alshabaab ayaa hadda bartamaha Magaalada Baraawe meel fagaare ah ku toogtey 3 ruux oo ay ku eedeyeen basaasiin inay yihiin,waxaana saraakisha kooxda Alshabaab sheegeen inay dadkaasi ahayeen dad la shaqeynayey Sirdoonadda wadamada reer galbeedka.

Dilkan toogashada ayaa hadda ka dhacay bartamaha Magaalada Baraawe iyadoo ay fulinta dilkaasi u soo daawasho tageen boqolaal ruux oo shacab ah kuwaasi oo ay Maleeshiyaadka Alshabaab ugu baaqeen inay isu soo baxaan si ay u daawadaan dilka ay fulinayaa Maleeshiyaadka Alshabaab.

Waxaa dilkan lagu fuliyey 3 ruux oo ay Kooxda Argagixisada Alshabaab ku tilmaameen in laba ka mid ah ka soo jeedaan degaanada Puntland oo ay sheegeen inay laba ka mid ahi yihiin Reer Puntland,waxaana mid ka kale ay ku tilmaameen inuu ka soo jeedo Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii maleeshiyaadka Alshabaab ayaa inta badan dadka ku dila tuhun iyagoo aan wax cadeyn ah u hayn,waxaana sheegeen in nimanka ay maanta dileen ay qirteen dambiyadda lagu soo oogey,waxaana ay saraakisha Maleeshiyaadka Alshabaab sheegeen inay soo bandhigi doonaan cadeymo muujinaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com