Top News: Ciidamada Badda Liibiya Oo Badbaadiyey Tahriibayaal Soomaaali Ah.

0

Tripoli (AGGM): Ciidamada Badda Liibiya ayaa badbaadiyey Tahriibayaal Soomaali oo doonayay in ay galaan Qaaradda Yurub iyagoo ka ambabaxay xeebaha dalkaas, lana socday doon aan tayo badneyn.

Sarkaal lagu magacaabo Col. Ayoub Qaasim ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Xeebaha Liibiya ay badbaadiyeen 107 tahriibayaal Soomaali oo isku jiray Rag, dumar iyo Caruur.

Sarkaalkan ayaa sheegay in khamiistii lasoo dhaafay dadkaan laga soo badbaadiyey meel duleed ka ah Xeebaha magaalada caasimadda ee Tripoli isla markaana doonida ay saarnaayeen ku dhowayd in ay quusto amaba degto.

Qaar ka mid ah dadkii doonida la socday ayaa badda lagu tuuray, sida ay ciidamada u sheegeen aar kamid ah xubnihii lasoo badbaadiyey. Arrintaan ayaa timid kadib markii ay doonta ku dhowaatay in ay degto culeys xad dhaaf dartiis.

Xeebaha Liibiya iyo Taliyaaniga ayaa waxaa ku maqan Soomaaliya farabadan, kuwaasoo doonayey iney u taallaabaa qaaradda Yurub oo ay is leeyihiin wey ka shaqo iyo nolol roontahay dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com