VIDEO: Museveni oo meel mariyay Khaanuun Ka Careeysiyay Dowladdaha Reer Galbeedka.

0

Kampala (AGGM): Museveni, M/weynaha Uganda, ayaa shalay meelmariyay Khaanuun cusub oo diidaya ineey isku galmoodaan dadka isku jinsiga ah, Khanuunkaan ayaa dhigaya in ciqaab adag la marsiiyo cidii lagu haleo iyagoo isku Jinsi ah iskuna Galmoonaya.

Museveni, ayaa ku tilmaamay kuwa isku jinsiga ah ee isku Galmooda kuwo burcad ah oo xumeeynaya dhaqanka wadanka Uganda.

Madaxweyne Museveni, ayaa sheegay in cidii lagu helo arintaas ay muteeysan doonto xabsi aad u dheer iyo ciqaab adag, waxaana uu dadka kaga digay ineey buun buuniyaan.

Goaanka Museveni, ayaa waxaa Canbaareeyay dalal uu ugu horeeyo Mareeykanka, iyadoo madaxweyne Obama uu sheegay in hadii Museveni uusan ka laaban go’ankaas Mareeykanka uu jari doono cilaaqaadka kala dhaxeeya Uganda.

“Kuwa fikirkaan keenay waa kuwo Maal uun danta ku kaliftay, sidee ninka asigoo naag qurxan u jeeda u jeclaanaa nin kale, taas waa dhaqan xumo” ayuu yiri Museveni.

Wasiirka Aqlaaqda dalka Uganda, Simon Lokodo, oo wareysi siinayay TV-ga Al Jazeera, ayaa waxa uu sheegay in isku Galmooshada dadka isku jinsiga ah ay tahay mid khilaafsan nidaamka dabiiciga ah iyo Khaanuunka intaba.

Wasiirka Arimaha dibada Mareykanka John Kerry, ayaa shegay in wadankiisa uu ka fiirsan xiriirkii kala dhaxeeyay Uganda, kadib markii uu wadankaas dhaqan galiyay Khaanuun diidaya ineey iskugalmoodaan kuwa isku jinsiga ah.

“Wadankaan reer Galbeed malahan anaga ayaa iska leh, go’aankaana waa go’aan shacbiyadeed, waxaa rajeeynaa ineeysan mas’alada ka dhigin mid iyaga quseysa, hadeey ka dhigaana iyagaa ku qasaaraya” ayuu yiri Museveni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com