Top News: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Gobolka Gedo Iyo Dhaq dhaqaaq Ciidan Oo Ka Jira.

0

Baardheere (AGGM): Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Xiisado Colaadeed ka taagan yahiin deegaano degmadaa hoos yimaada kadib markii deegaanka soo galeen Ciidama ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Sida dad Xoolo dhaqato ah sheegeen gaadiid iyo ciidama Hubaysan ayaa lagu arkay deegaano aan sidaa uga fogayn Degmada Baardheere halkaa oo la sheegay in dhaq dhaqaaqya Ciidan ka socdaan kuwaas oo ay wadaan Ciidama ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

Falaagada Alshabaab ayaa heegan buuxa galisay Ciidamadeeda Gobalka Gedo, Bakool kadib markii culays xoogan soo saareen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya iskaashanaya waxaana halkaa laga dareemayaa saan saan Colaadeed.

Isku soo wada duuboo Qoysas badan oo reer guuraa ah ayaa la soo gudboonaatay cabsi ay ka qabaan dhaq dhaqaaqyadaa Ciidan ee halkaa ka bilowday waxa ayna aad uga walaacsan yahiin in dagaalo halkaa ka dhacaan kuwaas oo saamayn ku yeesha xaaladooda nololeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com