Daawo Sawirada: Madaxweynaha Somalia oo Qaabilay Safiirka sweesarland

0

Muqdisho 25- Feb- 2014 – Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Switzerland Mr Domanic islamar-kaana Madaxweynaha soo gaarsiiyey fariin uu ka waday madaxda dalka Switzerland.

Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. “ aad ayaan ugu faraxsanay in maanta Madaxweynaha Soomaaliya iga aqbalo warqadaha Aqoonsiga, waxaan kaloo ku faraxsanahay in Dowlada Switzerland halkaan safiir uga matalo muda 30 sanno ka dib oo aan wax safiir ah halkaan horay inoogu joogin.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka oo ay ka mid tahay sidii dalkan looga dhaqan-gelin lahaa dib-u-dhiska dalka, Nidaamka Federaal-ka iyo xasilinta Dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “ Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Switzerland sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka labada dal oo ay marqaati ka tahay soo magacaabida safiirkan cusub, waxaanna u rajeynayaa in uu dowladda kala shaqeeyo mashaariicda dib-udhiska dalka”
Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday.

1 2 3 4 6  8

DHAMAAD

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com
Facebook: Abdirahman Omar Osman Twitter: @engyarisow

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com