Dhambaal Tacsiyeed: Ra’iisul Wasaarihi Hore Saacid “Waan ka Tacsiyaynayaa Khasaarihii Weerarka Argagixisadu ku Qaaday Madaxtooyada Dalka”.

0

Muqdisho (AGGM): Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun Ugu horeyn, waxaan dhaleecaynayaa weerarka iyo xasuuqa waxashnimadaa ee ay kuwa nabad-diidka ah ku qaadeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kadib, waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii iyo eheladii saraakiisaha dowladda iyo dadkii rayidka ahaa ee gacanta ka xaqdaran ku dishay ayagoo goob cibaado ku sugan. Waxaana u rayaynayaa inuu illaahay abaalkooda ka dhigo kuwo janadii ku waara.

Waxaa si gaar ah ii taabatay mar labaadna aan ka tacsiyaynayaa geerida Marxuum Maxamuud Xirsi Cabdille oo si hagar la’aan ah iila shaqeeyay mudaddii aan xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka hayay. Maxamuud waxaa uu ahaa agaasimihii guud ee xafiiska Ra’iisul Wasaraha tan iyo bishii Janaayo 2013.

Ugu dambayntii, waxaan sidoo kale tacsi gaar ah u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa AMISOM gaar ahaan Walaalaha Jabuuti iyo Uganda. Waxaana uga tacsiyeeyay khasaarihii soo gaaray mudadii ay kuwa nabad diidka ah la dagaalamayeen ayaga oo sugaya amniga dalka.

DHAMAAD

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya 2013

Muqdisho, Soomaaliya
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com