Dhageyso: Falaagada Al Shabaab Oo Shaacisay Magacyada Saraakiisha Ay Ku Dileen Weerarki Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia).

0

Muqdisho (AGGM): Cali Maxamed Xuseen “Cali Jabal” oo ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab oo u qaabilsan gobalka Banaadir ayaa mar uu la hadlayay Idaacadda Al-Furqaan ee ku hadasha Afka falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii Jimcihii ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wuxuuna xusay in weerarkaas ay ku dhinteen dublumaasiyiin u dhashay wadamada Uganda iyo Jabtuui, wuxuuna intaasi ku daray in weerarkaas ay sidoo kale ku geeriyoodeen xubno muhiim ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ragga dhintay 16 kamid ah waxay udhasheen Ugandha,17 kamid ah waxay ahaayeen ilaalada madaxtooyada,12 kamid ah dadka dhintay waxay yihiin Ciidamo Gurmad ku yimid, 6 kamid ah ragga goobta ku dhintay waxaa ahaayeen mas’uuliyiin waxaa kamid ah Generaal Shirbow oo Muqdisho ku dhibay Dadka xiligii uu ahaa kuxigeenka Hay’ada Nabadsugida iyo Korneel Cabdullaahi Joon Madaxii Ilaalada Madaxtooyada”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com