War Deg Deg Ah: Sarkaal Ka Tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Qarax Lala Beegsaday

0

7Kismaayo(AGGM) Waxaa hadda gudaha Magaalada Kismaayo gaar ahaan jidka mara Masjidka Xaaji Jaamac ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid dhulka lagu aasay,waxaana la shaacinayaa in qaraxaasi bartilmaameedkiisu uu ahaa sarkaal ka tirsan Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid dhawaaqisu aad u weyn yahay,waxaana la sheegay in lala beegsaday gaari uu saarnaa Horjooge ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ee laga soo qalday Kilinka 5-aad & Gaarisa Guubaay,waxaanse si dhab ah loo ogeyn in qaraxaasi wax khasaare ah sababay iyo in kale.

Sidoo kale waxaa meesha gaaray maleeshiyaad ka tirsan kuwa raaskambooni oo rasaas cirka u ridaya isla markaasna waxa la shaacinaya inay dhawr ruux oo shacab ah isla markaasna ka agdhawaa meesha qaraxu ka dhacay ay qaarkood jirdil u geysteen iyadoo qaar kalena ula dhaqaaqay xabsiyada ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyntii Xaalada magaalada kismaayo ayaa ah meel aan xasilooneyn isla markaasna lagu dilo dadka shacabka iyadoo bishan hadda lagu ay ku geeriyoodeen in ka badan 40 ruux oo isugu jira shacab & horjoogayaasha Maleeshiyaadka laga soo daabulay Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com