R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya Dr.Saacid Faarax Garaad” Weerarkii madaxtooyda iyo geeridii Maxamuud Cabdulle Indha-case waa mid xanuun badan”.

0

Muqdisho (AGGM): Weerarkii qaraxyada iyo weerarka toos ahaa isugu jiray ee madaxtooyada ka dhacay ayaa waxaa uu sababey inay madaxbadan oo Soomaali ah iyo kuwa kale ee dunida ay siyaabo kala duwan uga hadlaan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr, Saacid Farax Garaad oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxa ay shalay argagixisada Soomaaliya ka geysteen madaxtooyada iyo waliba khasaarihii ka dhashay. Waxaana uu sheegay inay markasta muhiim tahay ka hortaga cadowgaasi.

Waxaana uu si gaar ah uga tacsiiyey geerida ku timid Dr, Maxamuud Cabdulle Xirsi Indhacase oo ahaa agaasimihii xafiiska Ra’iisul wasaaraha kaasi oo ku geeriyooday weerarkii shalay isaga iyo xubno kale oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya.

” Waxaan ka tacsiyeynayaa guud ahana geerida ku timid madaxdii iyo shacabkii shalay ku geeriyooday weerarkii madaxtooyada, waxaana si gaar ah tacsi ugu dirayaa ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay Dr, Maxamuud Cabdulle Xirsi oo ahaa shaqsi si weyn iila soo shaqeeyey intii aan xilka Ra’iisul wasaarenimada hayey. ” ayuu yiri Dr. Saacid Farax Garaad.

Dhinaca kale mar uu uga waramayey warbaahinta Warbaahinta taariikhda allaha u naxariistee marxuumkaasi ayuu sheegay inuu ahaa nin ku dhashay degmada Dhuusamareeb oo ah caasimada gobolka Galgaduud.

” Dugsiga qur’aanka iyo hoose dhexe waxa uu kasoo dhigtay Dhuusamareeb, kadibna waxaa uu dugsi sare ka dhameeyey iskuulka 15 May. Sanadihii u dhexeeyey 1984 ilaa 1988 waxaa uu dhiganayey jaamacada Lafoole, isagoona ka baranayey aqoonta Macalinimada” ayuu yiri Saacid Faarax Garaad oo intaasi ku daray:

” Waxaa uu ku biiray waxbarashadiisa kadib wasaarada arrimaha dibada loona magacaabay qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Canada. Markii dalka uu burburayna waxaa uu toos isaga degay dalkaasi oo uu degenaa.

Balse sanadkii 2012 ayaan u magacaabay Agaasimaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo uu ka badelay Faarax Cabdi Xasan oo xilkaasi bilo yar ii hayey” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid Farax Garaad.

Dhinaca kale waxaa uu Saacid inoo sheegay in Maxamuud Cabdulle Xirsi uu sanadkii 2010 isku sharaxay Ontario Board of Education Attawa Canada. Waxaase uu hoos ka xariiqay inu ahaa marxuumkaasi iminka ka baxay Soomaaliweyn nin ay si weyn usoo wada shaqeeyeen muddadii sanadka aheyd. Waxaana uu si gaar tacsi tiiraanyo leh ugu diray xaaskii iyo ilmihii uu ka geeriyooday ee u nool Canada.

Maxamuud Cabdulle Xirsi waxaa uu ahaa aqoonyahan ay wada jecelyihiin dhamaan howl-wadeenada xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sida la sheegayna waxaa himiladiisu aheyd inuu gacan xoogan ka geysto dib u dhiska dowladnimadii Soomaalida ka burburtay 1991.

IMG_0298

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com