Koonfur AFRIKA : Cali Cadaan, Waxaa Lagu Toogtay Rasaasta Booliska”.

0

Cape Town (AGGM): Marxuumka ayaa sida uu saxaafadda u sheegay Yuusuf Cumar oo ah Gudoomiyaha Save Somali Comunity, waxaa la dilay xalay fiidkii, ka dib markii ay dukaankiisa oo xilligaasi macaamiil badan ay saf ugu jireen soo weerareen kooxo Madow ah oo ku hubaysan Pistoolado, waxaana uu Gudoomiyuhu xaqiijiyey inay markii ay dileen marxuum Cali Cadaan ay gabi ahaanba qaateen wixii lacag iyo agab kale ahaa ee yiilay duukaanka, islamarkaana ay jirdileen sidoo kale muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo dukaanka kala shaqaynayey marxuumka la toogtay.

“Booliska arin layaab leh ayey noo sheegeen, taasi oo ah in xabadaha ama rasaasta lagu dilay walaalkeen Cali Cadaan Jiinow ay ahaayeen rasaas cusub oo malamoo ka hor loo qeybiyey ciidamada Booliska ee dalka Koonfur Afrika, waana arin nagu cusub balse baaritaan xoog leh ayaa hadda socda” sidaana waxaa yiri Gudoomiye Yuusuf Cumar.

Si kastaba dhagar-qabayaasha madowga ah ee falkaasi naxdinta leh gaystay ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, ka hor inta aysan kusoo bixin dadka deegaanka oo midab ah, islamarkaana waxaa durbadiiba meesha soo gaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo ilaa iyo hadda wada baaritaano ay ugu raadjoogaan dambiilayaashaasi.

South Africa, oo ka mid ah dalalka Soomaalida ugu badan caalamka ay ku nool yihiin, ayaa aalaaba lagu gumaadaa muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aysan weli jirin cid si gaar ah isugu taagtay wax ka qabashada arimahani murugsan.

Soomaalida_South_Africa

C/risaaq IndhaJaceyl
Cape Town, South Africa
Daauus1@gmail.com
+27783420920

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com