Dhageyso: Dr. Cabdiwaaxid Goonjeex “2009 Halkii Dagaalka Laga Bilaabay Ayaanu Maanta Joognaa”.

0

Muqdisho (AGGM): Siyaasiga Caanka ah ee C/waaxid Cilmi Goonjeex oo xilal kala duwan horay uga soo qabtay dowladihii KMG ah ee soo maray dalka intii ka horaysay 2012 ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Warbaahinta wuxuu si kulul ugu weeraray laamaha amniga dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku dhaliilay inay dayaceen amnigii magaalada Caasimada.

Ugu horayn wuxuu Tacsi u diray dadkii waxyeeladu kasoo gaartay dhibaatadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada wuuxuna xusay Weerarkaasi inuu ahaa cashar ku filan laamaha amniga dowladda oo muddooyinkii danbe la dhaliilayay.

“Runtii aad iyo aad ayay u cadahay in Shabaab 2009-kii markii Jabuti dowladii lagu soo dhisay ayaan halkaan maanta ay wax ka dhaceen ka bilownay gidaarka Madaxtooyada iyo meel lamid ah dagaalku nagu qabsaday Shan sano kaddib gidaarkii aan ka hadlayay ee Madaxtooyada uu soo galo runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay”.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com