Dhageyso:Ciidamo dhac ugeystay Dad Shacab ah Shabellaha Hoose

0

Marka(AGGM): Inta u dhaxeysa Deegaanka Janaale iyo Mubaarag oo ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay Baaritaano Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay kula dhaqaaqeen Dad Shacab ah oo ku sugan halkaasi.

Dadka ayaa waxaa laga qaatay Lacagihii iyo Agab yadii kale ee ay wateen sida ay noo sheegeen Qaar kamid ah Dadka lagu Baartay halkaasi.

Gudoomiyaha Deegaanka Janaale Max’ed Idiris Cabdi ayaa sheegay in Dadka Dhaca Geystay ay ku raad Joogaan islamarkaana ay ku rajo Wey yihiin in ay gacanta ku soo dhigaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso War kusabsan arintaan

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@hotmail.com