Kumu Ahaa Ciise Maxamed Alaaki ( Ciise Kambooni)?

0

Kismaayo(AGGM) AUN Ciise Maxamed Alaaki oo ku magac dheeraa Ciise Kambooni waxaa uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay Jasiiradda Raaskambooni,waxaana ahaa Aas Aaskii Labaad ee Kooxdi Ex-Raaskambooni uu uu madaxa uu ahaa Shiikh Xasan Turki,waxaana uu Ciise Kambooni oo ka mid ahaa Saraakisha ugu sar sareysa Kooxdii Argagixisada ahayd ee Raaskambooni isla markaasna fadhigoodu ahaa Jasiiradda Raaskambooni.

Ciise Kambooni waxaa uu markii dambay ka qayb noqday horjoogayaashii ururkii Xisbul Islam ee ku biirey Kooxda Alshabaab waxaana uu ka qayb qaatay dagaalo badan oo looga soo horjeeday dawladdii Kmg ah ee Soomaliya xilligii Cabdulaahi Yuusuf Axmed & Shiikh Shariif isagoo ka mid ahaa horjoogayaashi Maleeshiyaadkii Alshabaab.

Qabashadii Ciise Kambooni & Xabsigii Guantanama Bay

Ciise Kambooni waxaa uu mar galay liiska dadka loogu doon doonista badan yahay ee dawlada Mareykanku raadiso isla markaasna waxaa u suuro gashay in dawladda mareykanku gacanta ku dhigto isagoo ku sugan gudaha dalka kiiniya isla markaasna saraakisha ciidamada dawladda kiiniya si fudud ugu gacan galiyeen dawladda Maraykanka.

Ciise Maxamed Alaaki waxaa isagoo habeen hurda ciidamada sirdoonka dalka kiiniya ka qabteen huteel uu kaga sugnaa Magaalada Nairobi isagoo markiiba loo duuliyey dalka Cuba halkaasi oo uu kaga jirey mudo ah,waxaana markii dambe oo dawlada maraykanku ay ka soo dhamaysatey qorshaheeda ay soo fasaxday isagoo markab laga soo saaray dalka Cuba isla markaasna lagu keenay isla dalka Kiiniya.

Ciise Maxamed Alaaki waxaa xabsiga Cuba laga soo daayey 30/09/2012,waxaana sii deyntiisa soo dhaweyey saraakiil badan oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Aragagixisada ah ee Alshabaab,waxaana uu markiba u soo gudbay dhinaca Jasiiradda Raaskambooni isagoo dib ula midoobay ciidamadii daaacada u ahaa Shiikh Xasan Turki. Mudo ka dib markii ciidamada dawlada kiiniya iyo kooxdan kale ee la baxday Raaskambooni ay gudaha dalka soo galeen ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyey Axmed Madoobe isla markaasna ay is fahmeen.

Axmed Madoobe & Ciise Kambooni waxay ahayeen rag soo wada maray mawjado badan oo argagixisnimo,waxaana intaas ka dib gudaha u soo galeen goboladda Jubooyinka iyagoo gacan ka helaya Ciidamada dawlada kiiniya ee dusha ka ilaalisa,waxaana Ciise Kambooni sanadka dib soo sii deyntiisii xabsiga Cuba loo magacaabay Taliyaha ciidamada Sirdoonka Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana ku dhawaaqay Axmed Madoobe oo aaminsanaa inuu wax badan ka qaban karro amaan darrada ka jirta magaalada kismaayo taariikhdu markii ay ahayd 30/09/2013,waxaana xilligaas loogu dhawaaqay inuu yahay taliyaha Nabad sugida Maleeshiyo beleedka Raaskambooni.

Ugu dambeyntii AUN Ciise Maxamed Alaaki ayaa lagu eedeyn jirey inuu Magaalada Kismaayo ka fuliyo dilalka qorsheysan iyo afduubka lala beegsado dadka ka soo jeeda gobolladda Jubooyinka iyadoo la shaaciyey inay saldhig u ahayd Sarta Shimbir oo lagu tilmaamo meel dadka shacabka lagu jirdilo qaarkoodna lagu dilo.

Isha Ku hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com