Dhageyso: Suldaan Xuseen Naaleeye “Xasuuq Lagu Hayo Beelaha Kismaayo Dagan, 30 Gabdhood Ayaa Xalay La Kufsaday 48saac La Soo Dhaafayna Waxaa La Dilay 14 Ruux”

0

Muqdisho (AGGM): Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Jubooyinka Suldaan Xuseen Naaleeye ayaa sheegay in weli ciidamada Kenya ay ku haayaan shacabka halkaasi ku dhaqan dhibaato aad iyo aad u xoogan waa sida uu hadalka u dhigaye, islamarkaana waxa uu ku baaqay in wax laga qabto arinkaasi.

Waxa uu sheegay in maalmahaan dambe magaalada Kismaayo ay ka bilawdeen dilal xoogan oo loo geysanaayo dad badan oo shacab ah, hase ahaatee waxa uu tilmaamay in hadda Kismaayo aysan joogin dad shacab ah.

“Ciidamada Kenya weli xasuuq ayeey ku haayaan shacabka Kismaayo, habeen iyo maalin magaalada Kismaayo waxaa ka socda dilal bareer ah iyo xasuuq shacabka lagu haayo, dowladana waxba kama dhihin, waxaan u baahannahay in deg deg wax looga qabto dhamaan waxyaabahaan soo laab laabanaaya”

Magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose waxaa maalmahaan dambe ka dhacaayay dilal qorsheesan oo magaalada dhexdeeda ka bilawday, waxaana magaalada inta badan dadka jooga ay yihiin kuwo hal lug ku taagan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com