Labo Nin oo Ganacsato ah oo Al-shabaab ay ku Xireen Degmada Baardheere

0

Baardheere(AGGM):Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ayaa Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku xirxiray Ganacsato ku nool  Degmadaasi Baardheere.

Ganacsatada lagu Xiray Degmada Baardheere ayaa Tiradoodu ay gaareysaa ilaa iyo labo Nin,waxaana lagu soo waramayaa in Goobtooda Ganacsi Xalay ay ka ka xeysteen Maleeshiyo Hubeeysan oo Afka soo duubatay.

Labada Ganacsade ee Al-shabaab ay ku xireen Degmadaasi  ayaa lagu kala magacaabaa,Saciid Shiekh Cali iyo Aadan Xuseen Yuusuf,kuwaas oo Magalada ku lahaa Baqaar weyn oo lagu Iibiyo Qalabka Baabuurta.

Mid ka mid ah Odayaasha ku nool Baardheere oo magaciisa qariyey,sababo amaan owgeed ayaa Allgalgaduud Media  u sheegay in aysan ogeen,waxa Ganacsatadan Al-shabaab ay u xirxireen.

“Xalay Salaadii Cishe ka dib ayey Baqaarka ka wadteen,wax lagu heysto ma garaneeyno iyo meel la geeyey intaba,Al-shabaab markasta sidaan ayey Dadka u xir xiraan “ayuu yiri Odaygaasi ka mid ah Dadka Deegaanka.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa goobaha ay ka joogaan Soomaaliya,waxaa ay ka geeystaan Dil,dhac iyo Xarig,kuwaas oo loo geeysanayo Dadka Shacabkaa ee ku hoos nool.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com