Ciidamo Ethiopian ah oo gaaray Degmada Dhuusamareeb Gobolka Galgaduud

0

Dhuusamareeb(AGGM) : Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ayaa Xalay  gaaray Degmada Dhuusamareeb ee Xaruunta u ah Gobolka Galgaduud,waxaana ay Dageen Duleedka Magaalada  Dhuusamareeb.

Ciidamadaan oo wata Gaadiid Dagaal ayaa waxaa Duleedka Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM,gaar ahaan kuwaan ka socda Dowladda Itoobiya ay ku wajahan yihiin Deegaanada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ay ku kulmaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Mas’uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa Diirada lagu saari doonaa sidii loo wajihilahaa Maleeshiyada Al-shabaab islamrkaana Galgaduud looga Xoreen lahaa.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ay Dhaq dhaqaayo Ciidan ka wadaan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Habeen ka hore ayaa waxaa Degmada Gurceel gaaray Ciidamo farabadan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Ethiopia kuwaas oo Fariisom ka sameystay Degmadaasi.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com