War Cusub: Nin Kale Oo Xalay Lagu Dilay Magaalada Kismaayo Iyo Dad Lagala Baxay Guryahooda.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ay xalay ku dileen magaalada Kismaayo Nin rayid ah.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in in ninka rayidka ah ay ka dambeeyeen dilkiisa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni sababta ay u dileen ayaa waxaa lagu sheegay inay ahayd aano qabiil.

Marxuumka la dilay ayaa waxa uu ka soo jeeday beesha Murursade ee beelaha Hawiye.

Dhinaca kale waxaa xalay magaalada Kismaayo lagu xir xiray dad fara badan oo rayid ah unna badanaa dhalinyaro, waxaana la sheegayaa in dadkan lagala baxay guryahooda.

Ilaa hadda ma ay jiraan wax war ah oo ka soo baxaya Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ku aadan dilalaka isdaba jooga ah ee habeenadi ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Kismaayo iyo xariga dadka rayidka ah ee la xir xiray.

Isku soo wada duuboo waxaa faraha ka baxay amaanka magaalada Kismaayo, waxaana habeenadi lasoo dhaafay lagu dilay dad badan oo rayid ah waxaana dilkooda lagu .edeenyaa inay ka dambeeyeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com