Mareykanka oo Muwaadanintiisa uga digay in ay Somalia u Safraan

0

Waashiton(AGGM): Waa digniin badalaysa digniintii ay wasarada arimaha dibada Mareykanka ay bixisay 21-kii bishii June ee sanadii 2013 oo uu Mareykanka markale uga digaayo muwadinintiisa in ay u soo socdaalan dalka Somalia.

Wasarada arimaha dibada Mareykanka ayaa sheegtay in sirdoonka dalkaasi ay heleen maclumad ku aadan Qatar muwadininta Mareykanka kaga soo wajahan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo Mareykanka uu ku daray liiska kooxaha argagexisada caalamka.

Waqtigaani la joogo ma jiro safarad rasmi ah uu Mareykanka Somalia ku leeyahay oo shaqeesa ama safiir uga howlgala Somalia.

Warka ay soo saartay wasarada arimaha dibada Mareykanka oo ku qotontay digniin loo diraayo muwadininta Mareykanka ee iyaga u soo socdaalada Somalia ayaa sidoo kale waxa loo shegay inay isaga fogadaan safarada dhanka xeebaha Somalia iyadoona uga digtay inay soo noqoto dhacdadii 22 bishii February ee 2011-kii.

 Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com