Ex-Raisalwasaare Dalkiisa & Dadkiisa Dhex Jooga,Mana Jecla Qaxootinimo ( Sawiro)

0

Muqdisho(AGGM) Raisalwasaarihi hore ee Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu tilmaamay Masuul aad u jecel inuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto isla markaasna muujiyey in Masuul kasta oo dalka xil ka soo qabtaa uu joogi karro dalka Soomaaliya isla markaasna sii wadi karro shaqooyiinkii uu ummadda Soomaaliyeed u yahay.

Cabdi Faarax Shirdoon oo dhawaan ka degay xilkii raisalwasaarenimo ee uu shacabka soomaaliyeed u hayey ka dib markii xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya codka kalsooniida kala noqdeen ayaa ilaa iyo hadda ku sugan Caasimadda Soomaliya ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu ka sii wado Mashaariic uu wax ugu qabanayo umadda Soomaaliyeed.

Sida la wada ogsoon yahay Madaxdii dalka soo martey dhamaantood ha u yaraadeen Xubno wasiiro noqdaye waxay marka ay xilka waayaan qaylo dhaaan u dirsan jireen wadamada Reer Galbeed & kuwa deriska ah si Magan-galyo siyaasadeed loo siiyo,waxaana ay hadda qaarkood ku sugan yihiin wadamo badan oo caalamka ka tirsan marka laga reebo kuwi hore dalka dibediisa ka yimid ee dhalashada kale haystey.

Sidoo kale madaxda soo marta maamul goboleedyadda marka xilku ka dhamaado waxay u safraan wadamada shiisheyey & kuwa deriska ah si ay u waydiistaan magangalyo siyaadeed balse Dr Cabdi Faarax Shirdoon waa muwaadin aan jecleyn inuu u safro ama dego wadamo shiisheeye marka laga reebo wadanka Kiiniya oo uu ku leeyahay ganacsi lixaad leh isla markaasna uu ku degan yahay basaboorkiisa Soomaaliga ah.

Mudane Saacid Maalintii codka kalsoonida lagala laabtey waxaa uu daboolka ka qaaday inuu shacabka Soomaaliyeed u adeegi doono isla markaasna uu noqonayo Masuulkii ugu horeyey ee ka sii shaqeeya gudaha Soomaliya,waxaana uu sheegay inuu dalka soomaaliya ka hirgalinayo Mashaariic lixaadleh oo ay ka faaiideystaan umadda Soomaaliyeed.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon waxaa uu deganaa dalka Kiiniya ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,waxaana uu ku deganaa Basaboorka Soomaaliga oo ay u saarneyd deganaansho dalka Kiiniya, Mudane Saacid ma jecla inuu qaato dhalasho wadan kale,waxaana uu sheegaa inta badan inuu jecel yahay inuu indhihiisa saaro dalka soomaaliya oo cagihiisa dib isugu taagay.

Dr Cabdi Faarax Shirdoon waxaa ganacsade hantiile ah isla markaasna ganacsiyo badan ku leh wadanka Kiiniya,waxaana uu sheegay inuu ku sii dhex jiri doono siyaasada dalka Soomaaliya isla markaasna uu isku dayi doono inuu umadda soomaaliyeed ee dhibaatada lixaadka leh soo gaartey mudada badan uu doonayo inuu wax badan u qabto.

Waxaa uu hadda ku sugan yahay Caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho,waxaana uu ka wada arrimo badan oo wax loogu qabanayo shacabka soomaaliyeed,iyadoo uu jecel yahay inuusan dalkiisa ka bixin ilaa inta dalka soomaaliya xal waara laga gaarayo isla markaasna shacabka Soomaaliyeed loo horseedi karo horumar iyo nabad waarta.

Ugu dambeyntii Cabdi Faarax Shirdoon waxaa uu shalay ka qayb galay Aaskii alle ha u raxmadee Raisalwasaarihi hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo shalay lagu aasay Magaalada Muqdisho ka dib markii uu maalmihi la soo dhaafay ku geeriyooday wadanka Mareykanka uu mudo dheer ku sugnaa.

1798262_10151970411756089_1547956292_n1797323_10151970412766089_1033419945_n

1618665_481196698651797_349800188_n

Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com