Dilal ka dhacay Magaalada Kismaayo

0

Muqdisho(AGGM):Horjoogeyaasha maleeshiyaadka Raaskambooni ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in dilal kala gooni gooni ah ay uga dhaceen magaalada Kismaayo xaafado hoostaga.

Xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo ayaa waxa koox hubaysan ay dil ugu gesteen qof rayid ah oo dadka degaanka kamid ahaa.

Sidoo kale xaafada Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxa koox hubaysan ay dil iyo dhawac ugu geesteen dad rayid ah balse kooxihii falalkasi geestay ayaa goobtii isaga baxday.

Horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ma aysan ka war bixin dilalkaasi ka dhacay magaalada kismaayo

Isha ku hay Allgalgaduud Media 

Allgalgaduud@hotmail.com