Taliska Booliska oo Faah-faahin ka bixiyey Weeraro Xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM):Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Max’ed Yuusuf Madaale ayaa ka Warbixiyey Weeraro Xalay Ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliska oo la hadlayey Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in Hoobiyaashii iyo Bambooyinkii ka dhacay Degmooyika Magaalada ay ahaayeen Macmal,Ama Been abuur oo la doonayey in Amaanka Qal qal lagu galiyo.

Waxaa uu sheegay in Weerarada ay ka Dhaceen Degmooyinka kala ah,Xamar-weyne,Xamar-Jabjab,Wardhiigley,Holwadaag,Hodan iyo Dhankiinleey,kuwaas oo ay Shan Ruux  ku dhaawacmeen,taasna ay Cadeeyneeyso in waxa la Tuuray ay yihiin Macmal.

Madaale ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Nabad galyada Soomaaliya ay Xalay Gacanta ay ku soo dhigeen 50-Ruux oo lala Xariirinayo Falalka Amaandaro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Afhayeen Madaale ayaa intaa ku daray in Dadkaan Baaritaano lagu sameenayo,hadana ay ku jiraan Xabsiyada Magaalada Muqdisho.

Xalay ilaa Habeen hore ayaa waxa Magaalada Muqdisho ka dhacayey Weeraro Hoobiyaal ah oo aan la ogeeyn halka laga soo Tuuray.