Dhageyso:Wasiirka Amniga oo Aqbalay Dhaliisha loo jeediyey

0

Muqdisho(AGMM): Wasiirka Amniga Xukumada Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta Raisul wasaaraxa Soomaaliya uu ku Canaantay in uu wax ka qaban waayey Amaanka Magaalada ayaa waxaa uu sheegay in uu Diyaar la yahay in uu qaato Tala walba oo Madaxda ka sareysa ka Soo baxda.

C/kariiv Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Laamaha amaanka iyo wasaarada Amniga qarana Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wax ka qabtaan Amanka Caasimada Muqdisho ee dalka Soomaaliya islamarkaana Ciidamada ay diyaar u yihiin in ay Xaqiijiyaan Amaanka Magaalada Caasimadaa ee Muqdisho,islamarkaana ay dagaal la galaan Falaagada Kooxda Al-shabaab Al-Qaa;ida .

Halkaan Hose ka dhageyso Codka Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com