Top News: Nicholas Kay Oo Walaac Ka Muujiyay Xiisada Siyaasadeed Ee Magaalada Baydhabo.

0

Muqdisho (AGGM): Ergaygga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa maanta walaac ka muujiyay xiisadda isa soo tareysa ee ka jirta magaaladda Baydhabo ee la xiriirta shirka looga hadlayo dhismaha dowlad-goboleed ku saleysan nidaamka Federaalka.

Ergeyga ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso inay muujiyaan deggenaansho, ayna ka wada-hadlaan taageeridda dedaallada ku aaddan dib-u-heshiisiinta.

Nokolas Kay wuxuu soo jeediyay inaan la qaadin tallaabo wax u dhimeysa geeddi socodka nabadda iyo habka lagu dhisayo dowladnimada.

Wuxuu sheegay inuu fahamsan yahay baahida loo qabo inay si dhaqso leh ay Baydhabo ugu kulmaan dhinacyada ay arrintu khusayso, si wax looga qabto dareenka dhabta ah ee jira iyo rabitaanka dhinacyadda oo dhan.

Nikolas Kay wuxuu sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu taageerayo xoojinta wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com