Xukuumadda Soomaaliya Oo Baaq U Dirtay Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Kulanku Uga Socdo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

0

Muqdisho (AGGM): Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Hogaamiyayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hormuudka u ah wadahadallada iyo wada tashyada ka socda magaalada Baydhabo arrimaha soo socda:

1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda;

2- Sidii horey laysku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa isla markaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma habraaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

DHAMAAD

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Mogadishu, Somalia

Email: media@opm.gov.so

Twitter: @SomaliPM @Ridwaanhaji

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com