Dhageyso:Tarsan oo ku dhawaaqay in Magacyada Wadooyinka Muqdisho la badalayo

0

Muqdisho(AGGM): Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur tarsan ayaa sheegay in ay wadaan Qorsheyaal magacyada looga badalayo Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Tarsan ayaa sheegay in Tilaabada ugu horeysa ay ku badalayaan  Wadada Wadnaha islamarkaana ay u bixinayaan Wadada Istanbuul Qorshahaasna uu fulinayo Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye tarsan ayaa waxaa uu intaa ku daray in dhamaan wadooyinka Magaalada Muqdisho ay Magacyada ka badali doonan islamarkaana loo bixin doono Magacyo ay u qalmaan.

Halkaan Ka dhageeyso Gudoomiye Tarsan oo Arimahaasi ka hadlaya

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com