26 Janaayo “Waa Maalintii Qaranimada Soomaaliya Ay Burburtay Gabi Ahaan”.W/Q.Sharmaake Muxumad Xoosh

0

26-ka Janaayo maanta oo kale waa maalintii qaranimada soomaaliya ay burburtay gabi ahaan, waxaana maanta oo kale ay shacabkii Soomaaliyeed intooda badan waxay u dabaal degayeen una sacaba tumayeen Jabhadii hubeysnaa ee talada dalka ka tuuray xukuumadii Milateriga aheyd ee Marxuum Maxamed Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxayna shacabku caleemo qoyan ku soo dhoweeyeen maliishiyooyin beeleedyo ku mideysnaa Ururkii USC oo guud ahaan la wareegay caasimadii Muqdisho, inkastoo dadku maalintaasi aysan ka fikirin maxaa xiga doona ridistii Siyaad Bare.

Dowladdii Milateriga ee Jaalle Siyaad waxay laheyd samaan aan lasoo koobi karin shacabka ay ku xasuusan doonaan raadkii uu abuuray taasoo ka dhigtay in Maxamed Siyaad uu noqdo hoggaamiyihii ugu waxqabadka badnaa ee Soomaaliya soo mara, hase ahaatee xiliyadii danbe gaar ahaan markii Soomaaliya ku fashilantay dagaalkii 77 ee dalka looga xoreynayey gumeysigii Ethiopia waxaa bilowday kala daadsanaan sababtay in Xukuumaddii Jaalle Siyaad ku dhexley jamhado hubeysan oo itoobiya isu dhiibey sida SSDF SNM USC SPM.

Kacdoonkii shacabka ee xiligaasi waxaa si hoose ugu faa’iideysanayey oo ku duulayey Siyaasiyiin magac ku leh dalka, kuwaasi oo 15-05-1990-kii ku dhawaaqay kooxdii la oran jiray Maanafeesto, waxayna ujeedadoodu aheyd in ay xilka kala wareegaan Madaxweynihii xiligaasi Maxamed Siyaad Berre, hase ahaatee baaq ay u soo jeediyeen xubnihii ku mideysnaa Maanafeesto oo ahaa in xilka uu wareejiyo Jaalle Siyaad wuu laaday, sidoo kale waxaa mudo shan bilood kadib koox uu hoggaaminayey Gen. Caydiid iyo Axmed Cumar Jees oo Dowladda Ethiopia ay soo abaabushay degmada Mustaxiil kaga dhawaaqeen urur u hanqal taagayey in xukunka laga tuuro Jaalle Siyaad

Ugu danbeyntii dalka soomaaliya bixitaankii Siyaad Barre ma noqon mid ay ku farxaan, waxaayse dadkii soomaaliyeed ee xilgaasi kasoo horjeeday Siyaad barre ay maanta taaganyihiin ” Alloow U naxariiso Maxamed Siyaad, Maxaa yeelay dadka maanta jooga ayuu meel inooga hayayee ” hadaba wixii dhacay waa ay dhaceyn, waxayna noqotay bixitaankii Siyaad Barre shalaayto aan laga soo laaban karin waxaa jirto maah maah uu siyaad yiri markuu dalka ka baxey oo caan noqotey wuxuu yiri hadalo badan hadaanse mid kamida aan soo qaato waxey aheyd sidan DALKA WAXAAN OGATAGEY AF MIINSHAAR IYO IIMAAN LAAWE hadaba hadaad fiiriso hab dhaqanka madaxda somalida maantey kuwii uu sheegey siyaad aun 24 kahor waa noo muuqdaan

Kacdoonadii xiligaas mucaaradka hubeeysan ahaa oo itoobiya soo abaabushey waxaa laga dhaxley dil dhac kufsi barakicin dumin wax kaste oo nolosha biniaadamka aasaasi u ahaa. Waxaa gebi ahaaba meesha ka baxdey hanaankii kala dambeynta ahaa iyo wax kaste oo doowladnimo laheyd ama laga heli jirey waxyaabaha ugu yaabka badan waxaa kamida in maanta somaliya dowlad kajirto hadana qeeybo dalka kamida aay kataliyaan ururo argigixisaa sida kuwa la magacbaxey shabaab. Dowlada somaliya kajirta waxaa waardiye ama amni suge u ah ciidamo shisheeye oo ka kala yimid burundi ugandha itobiya kenya jabuuti siirilyon iyo waliba ciidamo booliis ah oo kasocda naijeria

Waxaa dalka kajira maamulo badan oo aan dowlada ka amar qaadan dowladana wax canshuur ah aaysan ka qaadin kuwaas oo horjoogayaalka horjooga lagu magacaabo madaxweynayaal waxaa lagu tilmaami karaa in 7 madaxweyne aay ka jiraan somaliya waqtigaan 18ka gobal maamulada ka jira kama amar qaataan villa somaliya laakiin badankood waxey hoostagaan wadamada somaliya deriska la ah kuwaas oo ka dhigeysa inaan somaliya aaysan kajirin wax midnimo layiraahdo lakin dowlada jirtaa aay tahey magac u yaal

Dhanka horumarka hadii la eego maantey maamulada ama dowlada dhexe majirto mid hal warshad dhisi kara ama dhisey oo hirgashey dhinaca wax barashada iskaba daa wax barashada waqtigan somaliya kajirta waa mid dad gaara leeyihiin tayadeeduna aad u hooseyso xaga caafimaadku wa lamid dhinac kaste oo loo fiirsho laakin waxaa jira rajo ka duwan sidii hore ama sanadihii hore ee lasoo dhaafey markii loo eego in isbadal jiro baa la dareemi karaa in caasimadii dalku nalal laga daarey horumar dhanka amniga iyo kala dambeyntana si aayar aayar ah usoo noqoneyso waxaan rajeyneynaa in umada soomaaliyeed waxey shaleyto ayaku gacmahooda isaga dumiyeen ineey maantana gacmahooda ku dhistaaan kuna hor mariyaan nabad barwaaqo iyo baraare iyo midnimo inaad ku naalootaan baan idiin rajeyneynaa.

Kacaankii_21_Oktoobar_3

W/Q: Sharmaake Muxumad Xoosh

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com