Top News: Rabshado Maanta Ka Socda Magaalada Qaahira Iyo Qaraxyo La Sheegay Inay Halkaasi Ka Dhaceen.

0

Qaahira (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar ayaa aad u kacsan afar iyo labaatanki saacadood lasoo dhaafay, iyadoo ay ka dhaceen qaraxyo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Labo qarax ayaa maanta oo sabti ah gelinkii hore ay ka dhaceen magaalada iyadoo shalay oo jimce ahayd qarax lala beegsaday saldhiga ugu weyn ee Booliska uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa jira banaanbaxyo ay dhigayaan dadweyne careysan oo kasoo horjeeda Dowladda Milateriga ah.

Arrimahan oo dhan ayaa kusoo beegmay sanadguuradii saddexaad markii kacdoon xukunka lagaga tuuray Madaxweynihi hore Xusni Mubaarak.

Isku soo wada duuboo Masar oo sanad kadib ay doorteen Madaxweyne si dimoqraadiyad ayaa xukunka waxaa isna ka tuuray Milateriga, waxaana tan iyo waagaas xaaladda wadanka uusan deganayn.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com