Maqaal: Cali Daacuun “Sooyaalkii Siyaasadeed Ee Soo Dhexmaray Madaxweyne Sheekh Shariif, Farmaajo, Shariif Xasan, Cadiweli, Faroole, Kampala Accord. Qaybti 5aad.

0

Waxaa loo dareeray doorashada Madaxweyne-nimada, 50% waxay noqdeen xildhibaanadii hore, oo si weyn u careysan, 50% kale, waxay noqdeen mudanayaal cusub, oo rumeystay wax la yiraahdo IS-BEDEL inuu dalka ka dhaco.

Ra’iisul-wasaarihii hore Cabdi-weli Cali gaas, wuxuu ku jiraa xod-xodasho siyaasadeed, oo ku waajahan mudanayaasha, balse ma aanu fahmin inuu laf cad toobin ku hayo, maxaa yeelay, meel kasta wuu ka dhaawacan yahay, wuxuuna ku ballan furay saaxiibkiis Sheekh Shariif, oo ka aqbalay Farmaajo inuu noqdo Cabd-weli Cali Gaas Ra’iisul-wasaaraha cusub, ee badali doona Farmaajo.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka laftiisu dab yar shidamaayo, oo waxa uu rabaa in cid kale loo looggo Maandeeq, balse aanu C/weli noqon Madaxweyne, maxaa yeelay ninkii kula dirira waa lala diriraa, sida uu aaminsan yahay Shariif xasan.

Cabdi-weli Cali Gaas marnaba burka kama filan bahal, sababta oo ah wuxuu isku duwaday Mudanayaal badan oo uu gacan bidixeeyay, wuxuuna ku tashaday Wareegga 1-aad inuu helo cod dhan 60-xubnood, si uu wareegga 2-aad u soo galo, nasiib darro himiladii Cabdi-weli waxay ku soo biyo shubatay biyo col dhaanshay. wuxuuna helay cod dhan in ka badan 30-xubnood, 40-na ka yar.

Guddoomiyihii Hore ee baarlamaanka, shariif Xasan sh. Aadan, markuu ogaaday natiijadii wareegga 1aad ee guul daridu kaga dhacday Cabdi-weli, Shariif Xasan wuu ilka caddeeyay, sidii wax qoslaaya oo kale. Waxaana u meel martay riyadiisii aheyd, yaan lagaa danbeyn.

Hase yeeshee weli waxaa masraxa loolanka ku soo haray Madaxweynihii hore sheikh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanku Mudane Shariif Xasan sh. Aadan, wuxuu markaa la xilfi yahay saaxiibkiis Sheekh Shariif Sh. Axmed, wax ka run ah ilaahey baa og.

Waxaa la galay Wareeggii 2aad, Madaxweynihii hore, wuxuu heystaa cod dhan 65, 64 midkood, isagaana hoggaaminaaya doorashada, Xasan Sheikh Maxamuud-na, Dam jadiid, Simad, Fahad Yaasiin Al-Jaziira, NGO-yada waxay heleen Wareeggii 1aad wax ka badan 59-cod, hoolka doorashada banaankiisa waxaa is qabsaday Gulufka, loolanka siyaasadeed oo qolo waliba ay dooneyso codka Cabd-weli iyo Codka Murashax C/qaadir Cosoble, waxaan filayaa in C/qaadir Cosoble uu codkiisii ku biiriyay Xasan Sheekh Maxamuud.

Balse waxaa haray codadkii Cabd-weli Cali Gaas faq iyo gorgortan ka dib, waxaan maleynayaa inuu Cabdi-weli codadkiisii ku biiriyay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo baadi goobaya in laga dhigo Ra’iisul-wasaaraha cusub, ileeyn tallo isuma kaa sheegto.

Doorashadii way soo gaba-gabowday, waxayna guushu raacday Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisii Urur Diimeedka ahaa. Waxaana halkaa ku dhamaaday loolankii doorashada.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sh. Axmed, si aan lagu arag afrikaanka ama dhaqanka Soomaalida ayuu u aqbalay natiijadii ka soo baxday sanaadiiqdii doorashada.

DSC06107

Cali Daacuun
Khabiir Siyaasadeed

LA SOCO QEYBTA 6-AAD………………….

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com