Top News: Dalka Holland Oo Wax Ka Baddalay Siyaasaddoodi Ku Aadaneed Qaxootiga Soomaalida.

0

Den Haag (AGGM): Xoghayaha caddaaladda iyo amniga ee dalka Netherlands, Fred Teevan ayaa sheegay in isbeddel lagu sameeyay siyaasaddii dowladda ee ku aaddanayd dadka magangelyo-doonka ah ee ka imaanaya dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku sheegay warqad qoraal ah in dadka la caddeeyo in ay u baqayaan noloshooda sababo la xiriira in ay bar-tilmaameed u yihiin Al-Shabaab in ay xaq u leeyihiin in loo oggolaado deggenaasho.

Fred Teevan wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay sii kordhineyso dhaqdhaqaaqyada ay ka waddo magaalada Muqdisho, iyadoo bar-tilmaameed ka dhiganeysa shaqaalaha dowladda, xubnaha qeybaha caddaaladda ee dalka Soomaaliya, askarta AMISOM, dadka u shaqeeya ururrada caalamiga ah iyo dadka ay Al-Shabaab uga shakisan tahay in ay jawaasiis u yihiin dowladda.

Bishii December ee hore ayaa dowladda Netherland waxay sheegtay in ay dib u celin doonto dadka magangelyo-doonka ah ee ka imaan jiray Soomaaliya sababo la xiriira xaaladda Soomaaliya oo horumar laga sameeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud media
allgalgaduud@gmail.com