Dhageyso: Magaalada Kismaayo oo Xalay La weeraray.

0

Kismaayo(AGG): Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ay Xalay Weerar Hoobiyal ah ay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa la sheegay in Laga maqlayey Dhamaan Magaalada Kismaayo Madaafiicda ay soo Tuuren Falaagada Al-shabaab Al-Qaaida oo Tiro Madaafiic ah ku qaaday Jaamacada Magaalada Kismaayo.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in sidoo kale Ciidamada Kenya ay Madaafiic u gu jawaaben Kooxda Al-shabaab ee Weerarka soo qaaday.

waxaana sidoo kale Weerarka Magaalada Kismaayo uu imaanayaa xili Ciidamada Shisheeye ee Kenya iyo Maleeshiyaadka Kooxda Raas-kambiini ee Axmed Madoobe ay ku fashilmeen suguda Amaanka Magaalada Kismaayo.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com