Dhageyso: Danjirihi Hore Ee Mareykanka U Qaabilsanaa Itoobiya David Shinn”Waa Khalad In Itoobiya Ku Biirto Howlgalka AMISOM”.

0

Muqdisho (AGGM): Danjirihii hore ee Mareynkanka u qaabilsanaa Itoobiya David Shinn oo wareysi siinayay Idaacada VOA-da Qeybteeda English-ka ayaa sheegay inuu u arko in Ciidamada Itoobiya ku biiritaankooda AMISOM aysan waxba soo kordhineyn,islamarkaana ay tahay mid qalad ah.

Danjiruhu wuxuu dhanka kale sheegay in ku biiritaanka ciidanka Itoobiya ku biiray AMISOM laga yaabo in dib usoo noolayso cadaawadii ka dhaxaysay labada dal shabaabkuna aay ku helaan soomaali badan oo u dagaal gasho.

David Shinn ayaa tilmaamay in Sanadkii 2007-dii ilaa iyo 2009-kii Itoobiya waxay ka howlgalayeen magaalada Muqdisho,waxaana taasi tusaale u tahay waxa dhacaya hadii markale Itoobiya Ciidamadeeda si toos ah gudaha ygy galaan Somaliya.

Dowladda Itoobiya  ayaa maalinimadii shalay ahayd si rasmi ah u shaacisay in Ciidamadeeda Difaaca ay ku biireen howlgalka AMISOM ee Ka Socda Soomaaliya.

David-Shinn1

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com