War Deg Deg Ah:Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansixiyay Xukuumada R/wasaare Cabdiwali Sheekh.

0

Breaking-NewsMuqdisho (AGGM): Mudenayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si aqlibiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo dhisay R/wasaaraha Dalka Mudane C/wel Sheekh Axmed Maxamed.

Kulankii maanta ee baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa Xukuumadda cusub u codeysay 234 mudane oo si saf saf ah ugu qaadayay codka kalsooni siinta Xukuumadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 186 mudane ay ogolaatay Xukuumadda cusub, halka ay ka soo horjeesteen 46 mudane, waxaana ka aamusay hal mudane, sidaasi ayuuna ku sheegay in Xukuumaddu ay ansax tahay.

Isku soo wada duubooQaar ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee uu maanta ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ansixinta baarlamaanka uu ku ansixiyay barnaamijka Xukuumadda, waxayna tibaaxeen in ay sii amba qaadi doonaan howlaha loo idmaday.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com