Jaaliyadda Jarmalka Ee Gobolka Gedo Oo Airportka Garbahaarey Dhaqaale Ugu Deeqday

0

IMG_4671Munich(AGGM) Jaaliyadda Jarmalka ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa maalmahan waday dhaqaale u aruurin ay wax ugu qabanayaan garoonka diyaaradaha degmada Garbahaaray ee gobolka Gedo oo ah Garoon u halbowle ah guud ahaan goboladda koonfur Galbeed ee Soomaaliya,waxaana Garoonkaasi uu yahay mid ay ka faa’iideysanayaan guud ahaan dadka ku dhaqan goboladda koonfur galbeed ee dalka Soomaaliya.

Jaaliyadda ku dhaqan Jarmalka ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa u tafo xaytey sidii ay wax badan uga qaban lahayeen baahiyaha ka jira gobolka Gedo ee dalka soomaaliya oo ay hadda ka hor wax badan ka qabteen,waxaana ay sheegeen inay ku dadaalayaan sidii wax badan loogu qaban lahaa Gobolka Gedo.

Mid ka mid ah Jaaliyadda Jarmalka ee ka soo jeeda Gobolka Gedo oo lagu magacaabo Mudane Xasan Gaaruun Diiriye oo xiriir la soo sameeyey Allgalgaduud ayaa shaaciyey inay maalmahan ku mashquulsanayeen sidii dhaqaale ay ugu deeqi laahayeen dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Garbahaaray,waxaana uu sheegay inay ku guuleysteen inay dhaqaale ugu deeqaan dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Garbahaaray.

Mudane Xasan Gaaruun Diiriye waxaa uu sheegay inaysan intaas ku ekaan doonin waxqabad ay wax ugu qabanayaan Gobolka Gedo isla markaasna ay doonayaan inay jaaliyad ahaan laba jibaaraan sidii ay waxbadan uga qaban lahayeen baahiyaha ka jira gobolka Gedo.

Sidoo kale waxaa uu Xasan Garuun Diiriye baaq u direy guud ahaan Jaaliyadaha Gobolka Gedo ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyo Qaaradda Yurub inay wax u qabtaan degaanada ay kas oo jeedaan isagoo xusay in loo baahan yahay in dalka dib u dhis lagu sameeyo.

Sidoo kale waxaa uu Xasan Gaaruun Diiriye Warbaahinta Allgalgaduud u sheegay inaysan waxba ka hagran doonin Dhismaha garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaaray,waxaana uu sheegay inay wali wadaan dhaqaale aruurin ay ku doonayaan inay qayb lixaad leh kaga qaataan dib u dhiska garoonka iyo baahiyaha kale ee ka taagan gobolka Gedo.

Ugu dambeyntii Jaaliyadda Jarmalka ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa daboolka ka qaaday inay doonayaan inay laba jibaaraan wax ka qabashada baahiyaha ka taagan gobolka Gedo,waxaana hadda ay dhaqaale ugu deeqeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaaray,waxaana ay sheegeen inaysan waxtarkoodu intaasi ku ekaan doonin isla markaasna ay balaarin doonaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com