Wadahadalka Dowladda Iyo Maamulka Somaliland Oo Maanta Lasoo Gab-gabeenayo.

0

fIstanbul (AGGM): Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxaa maanta lagu soo gaba-gabeynayaa wadahadalka udhaxeeya Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland oo saddexdii maalin ee aan soo dhaafnay ka socday Magaalada Istanbuul.

Sida qorshaha uu yahay 1:00 Duhurnimo ee maanta ayaa lasoo afjarayaan wadahadalkaan iyadoo laga soo saarayo warmurtiyeed ku aadan waxyaabaha la isku afgartay.

Shirar kala duwan ayaa xalay ka socday Magaalada Istanbuul kaasi oo wada qaadanayeen madaxda Soomaaliland shirkaas uga qeybgalaysa iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Soomaaliland ayaa horay usheegtay inaysan marnaba gor-gortan ka geli doonin arinta ku aadan gooni isutaagooda, waxaana ay sheegeen inay yihiin Dowlad ka madaxbanaan Soomaaliya inteeda kale.

Dhanka Dowladda Soomaaliya wafdiga kasocda ayaa doonaya in Soomaaliya aysan ka go’in Soomaalia muhiimadana ay tahay wadajirka Soomaalia.

Natiijada kaso baxda shirkan ayaa lagu cadeyn doonaa warmurtiyeedka labada dhinac sida wadajirka ah uga soo bixi doona.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com