Top News: Wada hadaladii Soomaaliland iyo Samalia oo meel Xasaasi ah maraya

0

fIstanbuul(AGGM): Wada hadaladii u dhaxeeyey Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Soomalia ayaa galay Meel Xasaasi ah kadib markii Saddexdii maalin ee la soo dhaafay uu ka socday Dalka Turkiga.

Waxaana Wariyaasha ku sugan Goobta uu shirka ka socdo ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Xoogaa ay jirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah oo ku aadan Qodobadii laga wada hadlay.

Ergooyinka kala matalaya Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda FS ayaa waxaa ay inta badan ka doodayen Saddexdii maalin ee la soo dhaafay Qodobo ay ka mid yhiin waxii qabasoomay Heshiiskii hore iyo sida kan la iskugu soo dhawaan karo.

Wasiirka Amniga Qaranka Soomaalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ay wada hadalada ay Meel wanaagasan u marayaan Labada dhinac islamarakaana ay Qodobo wax ku ool ah ay ka soo bixi karaan.

Sidoo kale wasiirka arimaha Dibada Maamulka Soomaaliland Max’ed Biixi yoonis ayaa sheegay in Soomaaliland ay wali ku taagan tahay Mooqif koodii Gooni is ku daaga ahaa.