Top News: Ahlusunna Gobolada Dhexe Maxay Ka Yirahdeen Golaha Wasiirada Cusub?

0

ibroowCaabudwaaq (AGGM): Ururka Ahlu sunna gobolada dhexe ayaa siweyn kaga soo horjeestay golaha wasiirada cusub ee habeen hore uu ku dhawaaqay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdiwelli Sheikh Axmed.

Sheikh Ibraahim Xasan Guureeye, gudoomiyaha seddexda gole ee ururka Ahlu sunna ayaa sheegay inaysan taageersaneyn wasiirada cusub ee tirada badan ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha dalka.

Wuxuu sheegay in ra’iisul wasaare Cabdiwelli uu soo magacaabay wasiiro badan, laakiin Ahlusunna ahaan aysan ku laheyn xubin muuqata, sida uu sheegayna ay yihiin dad door weyn ku leh siyaasada Soomaaliya.

Wuxuu cadeeyay inaysan marnaba yeelaynin in dafari ayna taageersaneyn xubnaha cusub ee golaha wasiirada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Magacaabista golaha wasiirada cusub ayaa qaadatay muddo dheer, waana xukuumadii ugu horeysay oo lasoo magacaabo waqti dambe oo habeen ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com