Dhageyso+Daawo: Falaagada Al Shabaab Oo Ka Hadlay Dagaaladi Ka Dhacay Degmada Mahadaay.

0

h2Muqdisho (AGGM): Ururka Alshabaab ayaa ka hadlay dagaalo qasaare geystay oo xalay ka dhacay degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Afhayeenka falaagada Alshabaab ee dhinaca howlgalada C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Mahaday waxana uu sheegay in ay xalay qabsadeen degmada Mahaday ayna baaritaano ku sameeyeen degmada,saldhigyo iyo guryo ay degenaayeen ciidamada dowlada Federalka.

Abu Muscab ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen labo baabuur oo ah gaadiidka dagaalka ayna sidoo kale ka soo rarteen hub iyo rasaas tiil degmada Mahaday.

“Mujaahidiintu xalay iyagoo hub culus wata ayay weerar ku qaadeen degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane Alle fadiligiis mujaahidiinta si buuxda ayay degmada ula wareegeen waxayna cadawga kasoo qaniimeysteen 2 gaari halka sedax kale ay gubeen”ayuu yiri Abuu Muscab.

Isagoo ka hadlay qasaaraha dagaalka ayuu afhayeenka howlgalada ururka Alshabaab ku sheegay in illaa toban askari ay ka dileen ciidamada dowlada. Hase yeeshee Abu Muscab ayaan sheegin wax qasaare ah oo ka soo gaaray ciidamada Alshabaab dagaalka ka dhacay degmada Mahaday.

Magaalada Buuloburte oo la sheegay in ay ahayd halkii ay ciidamada ururka Alshababa ka soo weerar tageen ayaa lagu soo bandhigay baabuur qori uu saaran yahay oo ay ururka Alshabaab ku tilmaameen in ay ku soo qabsadeen dagaalkii ka dhacay degmada Mahaday.

Shabakadaha taageera ururka argagixisada ah ee Alshabaab ayaa iyaguna soo bandhigay sawiro kale oo ay ka muuqdaan maleeshiyaadka Alshabaab oo xilli habeenimo ah socda.

Illaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Mahaday iyo kan gobolka Sh/dhexe oo ku saabsan dagaalkii xalay ka dhacay degmada Mahaday.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga….

al afhayeenka Al-shabab dhanka howagada

h5

h6

h4 h3 h2 h

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com