Maqaal: Cali Daacuun “Go’aankii Ka Soo Baxay Baarlamaanka Maanta Waa Farriin Ku Socota Beesha Caalamka, Maamulada Iyo Shacbiga Soomaaliyeed”.

0

cali-dacuun1Bisha 9-keedii, waxaa shir guddoonku ka qabtay mudanayaal mooshin ka dhan ah Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii hore, mooshinkaas wuxuu ku saabsanaa inaaney soo noqon golihii hore ee Wasiirada, maa daama xukumadoodii ay dhacday.

Shir guddoonku, wuxuu qabtay Bisha 12-keedii mooshin, wuxuuna galiyay dood ku saabsan mooshinka kor ku xusan, wuxuuna caddeeyay inuu ahaa mooshinku sharci, maa daama uu qabtay, geliyayna DOOD, waxaa loo ballamay maanta oo taariikhdu tahay 14/01/2014, in cod la galiyo.

Nasiib darro, saaka waxaa golaha Baarlamaanka loo gudbiyay mooshin kale oo ka dhan ah kii loo ballansanaa maanta, xaqna ma aheyn. waxayna u muuqataa mooshin laga soo mustafeeyay halkii laga soo saari jiray mooshinada oo ah Qasriga Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Baarlamaanku, wuxuu saaka cod galiyay in Mooshinkii hore laga saaro ajandaha iyo in kale, iyaduna ma waafaqsaneyn nidaamka baarlamaanka, dastuurka, shuruucda, maxaa yeelay inuu go’aan ka gaaro kii hore ee doodiisu dhamaatay ayey aheyd.

Qeylada iyo sawaxanka ka dhacay baarlamaanka, wuxuu ku soo biyo shubtay, in loo codeeyo inaan mooshinkii hore cod loo galin, waxaana codkaasi noqday 115 oo ay heleen kuwii saakay mooshinka keenay, 95 codna waxaa helay mudanayaashii ka keenay inaan golaha wasiirada lagu soo darin wasiiradii hore iyo 6 cod oo ka aamustay.

Mas’uuliyaddaas waxaa qaadi doona guddoonka baarlamaanka, oo mar walba baal mara dastuurka iyo xeer hoosaadka, kuna shaqeeya awaamirta ka soo baxda qasriga madaxtooyada.

Beesha Caalamku way la socotaa waxa ka socda dowladda dhexdeeda, siyaasiyan, dastuuriyan, qaanuuniyan, iyo nidaam ahaanba, waxaan maleynayaa in war ka soo bixi doono; maxaa yeelay sida wax u socdaan lama caawini karo, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeedba.

Farriintan, maanta ka soo baxday golaha baarlamaanka, waxay niyad jab ku tahay maamuladda ka jira Soomaaliya, oo sugaayay nidaam federaali ah, dhowraya DASTUURKA, iyo wixii ay umaddu ku heshiisay; balse maanta waxaan qabaa inay maamuladu isku tashanayaan, maxaa yeelay waxaa lumay wixii lagu heshiiyay iyo awood keli talisnimo.

Ra’iisul-wasaaraha cusub, waxaa la gudboon inuu keensado wasiirro ka madax banaan fara gelinta Madaxweynaha iyo saaxiibadiis, haddey dhici weydo inuu gudan waayo waajibaadka ku qoran dastuuka, wuxuu noqon doonaa maqaar-saar lumiyay awooddiisii. Wixii kaga soo baxana waxay noqon doonaan wixii hore ee ku dhacay ra’iisul-wasaarayaashii ka horreeyay wax ka sii liita.

Waxaan filayaa haddii lagugu farageliyo awoodaada dastuuriga ah inaad qaadan doonto go’aan oranaaya XILKII WAAN ISKA CASILAY, adigoo sababeyn doona. kuna qancin doona beesha caalamka iyo umadda soomaaliyeed waxa ka jira Soomaaliya. waxayna kuu noqon guul taariikhi ah oo mustaqbalka wax ku tarta, soomaalina ka bad-baadisa sida ay maanta ku sugan tahay.

Dagaalkii siyaasadeed waa billowday, waxaana maleynayaa inuu ku biyo shuban doono meel aan dan u aheyn qarannimada soomaaliyeed, waxaana mas’uuliyaddiisa taariikheed qaadi doona madaxweynaha iyo xulafadiisa yar.

Khabiir Siyaasadeed

Cali Max’ed Axmed, Cali Daacuun

IshaKu Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com