Warbixin:Mareykanka Kooxdii Weerartay Westgate waa la laayey

0

westgate-620x330Newyork(AGGM): Saraakiil katirsan FBI-da Maraykanka ayaa Warbixin Cusub kasoo saaray Weerarkii Bishii September 21, 2013 ka dhacay Xarunta Ganacsiga Westgate ee ku taalla Magaalada Nairobi.

Dennis Brady, oo ka tirsan FBI-da Mareykanka kuna sugan Nairobi, ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in 4 kamid ah Kooxda Weerarka fulisay  la dilay.

Dennis Brady, waa u Qeybsane dhanka Sirdoonka, Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa Wareysi lasoo dhigat Website-ka Safaaradda ku yiri: “Waxaan rumaysanahay naga iyo Saraakiisha Kenya in 4 Qof oo ahaa kuwii Weerarka soo qaaday in lagu dhex dilay Dhismaha Westgate Mall intii uu socday Dagaalka.”

Sarkaalkan ayaa sidoo kale beeninayay  hadalkii Kooxda Al Shabaab oo ahaa dhamaan Kooxihii falkaas fuliyay ay baxsadeen,isagoo hoosta ka xariiray in Dhismaha uusan ahayn meel laga baxsan karo.

Brady, wuxuu sheegay in Saraakiil FBI ah ay tageen Westgate Mall maalintii ugu horeysay Weerarka, waxaana Kaalintoodu ahayd in ay fududeeyaan, gacana ay ka geystaan Howlgalka ciidamada Dowladda Kenya.

Warkan FBI-da Mareykanka ayaa kasoo horjeeda kii Bishii December ay soo saareen Booliska Yew York ee ahaa in ay baxsadeen Kooxda fulisay Weerarkii Westgate Mall ee Magaalada Nairobi kaasi oo ay ku dhinteen 67 Qof, oo Ciidanka Kenya ay ku jireen.

Linda Greenfield-Thomas,oo Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Africa ayaa sidoo kale sheegay in Warbixintii lagu daabacay Bishii December Wargeyska The New York Times uusan ahayn mid ka tarjumayay Aragtida Dowladda Maraykanka ee Weerarkii Westgate Mall.

Kenya ayaa horey u sheegaty in ay Ciidankeena ka heleen Gudaha Xarunta Westgate Meydad Gubtay oo la rumaysanyahay in ay ahaayeen kuwii Weerarka ka danbeeyay.

Baaritaanno ayaa ku socda 4 Qof oo looga shakisanyahay in ay ku lug lahaayeen Weerarka Wesgate Mall oo Su’aallo badan dhaliyay Qaabka loo fuliyay iyo Sababta ay Ciidamada Kenya ugu hortagi waayeen.

Al shabab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka, oo lagu dilay Dad badan oo isagu jiray Muwaadiniin Reer Galbeed ahaa iyo kuwa kale oo Africa kasoo jeeda.

Kooxda Al shabab waxa ay sheegtay in Weerarka uu ahaa mid ay uga aargoosanayeen Duulaanka ay Kenya Ciidamadeeda kusoo qaadeen dalka Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com