Top News: Kay oo ka hadlay Xil wareejinta Puntland (Warsaxaafadeed)

0

Nicholas-Muqdisho, 12 Jenaayo 2014- Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u Qaabilsan  Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa maanta ku baaqay in la dhowro xasiloonida iyo kala-dambaynta  ka jirta Puntland. Sidoo kalena, Ergayga waxaa uu ku baaqay in la dhowro sidii nabad loogu wareejin lahaa  maamulka ama (awoodda)  Puntland , kaddib markii ay dhacday doorasho 8dii Jenaayo 2013.

“Xubnaha ku jira Baarlamaanka Puntland ayaa  muujiyay tusaale aad muhiin u ah muddo laga joogo dhowr- maalmood. Tusaalahaas oo kuqotomay doorasho u dhacday si ay ku dheehantahy nabad,  hufnaan iyo xasilooniba. “Waxaan boogaadinayaa dhaqanka  Hogaaminimo ee uu muujiyay Madaxwaynaha xilka wareejiyay ee Faroole. waxa kale oo aan boogaadinaya sida wanaagsan ee uu xilka ama awooda  u wareejiyay,” ayuu yiri Kay.

“Waxaa i dhiiri geliyay balan-qaadka uu bixiyay Madaxwaynaha la doortay, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaas oo sheegay in uu qaadi doono talaabooyin muhiim ah oo wax looga qabanayo arrimaha   khuseeya ciidamadda Amniga ee Maamulka Puntland. Dhamaan Ciidamadda Amnigga iyo Shaqaalaha Rayidka ah waa in ay la shaqeeyaan maamulka cusub ayadda oo la eegayo danta dadka reer Buntland. Hantidda Qaranka waa in la dhowraa, lagana bixinin halka ay taasho”, ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah, Kay.

“Nabadda ka jirta Puntland iyo dhismaheeda dowladnimo si wanaagsan ayay horumar u samaynayaan. waana in ay kooxi ama shaqsiyaad carqaladaynin amniga iyo horumarka,” ayuu riri Kay.

“Qaramada Midoobay iyo saxiibayaasheeda oo ay ka midyihiin IGAD iyo EU ayaa  sii wadi doona la socoshada xaaladda (ka jirta Puntland), waxayna kaalmayn doonaan dadka iyo hogaanka ka jira Puntland wakhtigan addag ee hadda lagu jiro” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Nikolas Kay.

Dhamaad-

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com