Top News:Bannaanbax Lagu Taageerayo Madaxweynaha Puntland Oo Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb.

0

banaabax12Dhuusamareeb (AGGM): Bannaanbax lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa shalay lagu qabtay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Bannaanbaxa oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada ee gobolka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud iyo kan degmada Dhuusamarreeb.

Guddoomiyaha ururka haweenka Dhuusamarreeb, Siraad Shiddo Faarax oo ka mid ahayd mas’uuliyiintii la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegtay in haweenka Galgaduud ay taageerayaan hoggaanka cusub ee maamulka Puntland, waxayna ka codsatay madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali inuu ka qaybqaato horumarinta Galgaduud oo ah halkii uu kusoo barbaaray.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamarreeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali (Geedaqorow) ayaa mas’uuliyiinta la doortay ka codsaday in ay wanaajiyaan xiriirka Puntland kala dhexeeya dowladda federaalka ah iyo maamullada dalka ka jira.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo) ayaa hannaankii doorashada madaxtinnimada ee maamulka Puntland ku tilmaamay guul u soo hoyatay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada maamulka Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com