Top News: Kenya Oo Sheegtay Duqeeyn Dhanka Cirka Ah In Ay Ku Dileen 30 Ka Tirsanaa Falaagada Al Shabaab.

0

Kenya-flagMuqdisho (AGGM): Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka ah oo ay shalay ka fuliyeen qaybo ka tirsan gobolk Gedo ay ku dileen ku dhowaad 30 hogjooge oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Kenya  oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto ayaa u sheegay idaacadda Capital FM ee ku taalla Kenya in xog ay ciidamada Kenya heleen ay muujineysay in shir muhiim ah ay Al-Shabaab ku lahayd goobta la duqeeyay.

Sarkaalka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in weerarkaas xubnaha uga geeriyooday Al-Shabaab ay ku jiraan kooxo ajaanib ah iyo in ay sidoo kale ku dhaawacmeen tiro aad u badan oo meleeshiyo ah.

Wuxuu tilmaamay in ay ku howlan yihiin sidii ay ku heli lahaayeen magacyada iyo dhalashada xubnihii lagu dilay weerarka oo ka dhacay agagaarka magaalada Garbahaarrey.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aaddan weerarkaas, balse qaar ka tirsan dadka ku nool Garbahaarrey ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaarado ay weerareen saldhig ay Al-Shabaab ku leedahay deegaan u dhow Garbaaharrey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com