DULMI ARUUREY WAA…… HALAAG. W/Q. Ex.Xildhibaane Garweyne kuulow Aweys

0

MaqaalMaqaal: Dedeyasho dooraba waa ku uuroowdey, Dowladda Federaala Soomaaliyeed ka dib markii la wada arkey in aysan dadkeeda dulmanayaasha ah aaney daneyneyn, ka dib markii ay qarxaanna dhaheyso Dagaalka joojiya,Hala kala dhaxgelo,hala heshiisiiyo, Raashiin ha loo geeyo iwm. , ayaa Dowladdii haddana waxaa ku deysadey Hey’dahii Xuquuqul insaanka, Dalladahii NGO-yada ahaa, Bahda warbaahinta badankood in yar ilaahey u naxariistey maahinee !! Hay’ad daneyneeysaba ma jirto Dulmiga dalka ka jiro wax ka qabadkiisa.

Taasi waxaan ku keenay dhacdooyin beryahanba Dalka Goboladiisa qaar ka dhacayey iyo kuwo hadda uureysan ama Dulman oo weli qaylinoo haayaan oo aan qayladooda cidna dhageysanoo haaynin lana wada arkooyo…..lana wada maqlooyo!!!.

Tii ugu dambeysey hadda dhow waxaa facebook-ga la soo saatay Dallad la dhaho Dalladda Iskaashatooyinka kalluunka Soomaaliyeed HIBO oo iskaashatooyinkii kalluunka dalka magacyadooda Boorkooda ku qorteen oo ay ka mid tahay magaca IKDM ( Iskaashatada kalluunka Dan-wadaag Marka) oo aan aniga ka mid ahay madaxda Iskaashatada Kaluunka Dan-wadaag Marka waxbana kala socon Xafldaasi iyo madaxda Iskaashatada kaleba oo xataa aanan aqoonin Dalladaasi HIBO la baxday, ayaa waxaan facebook-ga ka aragney in magaceyna Boorka lagu darsadey taasina waxaan u argnaa nooc Dulmiyada nalagu haayo ka mid ah oo magaca Iskaashatadeena lagu qaraabanooyo haddii ceeb lagu galana anaga la nagu ceebeynaayo.

Haddana anaga dhib ma wadano,laakiin waa naga codsi Magaca Iskaashatadeena ogaasho la’aanteena yaan la isticmaalin….iyaaaa xataa iskaashataa…… ma naloo quuri la yahay…..ilaahaa joogaa.

Xukuumadda Soomaaliyeedna waxaan ka codsaneynaa iney dib u nooleyso Iskaashatooyinkii Qaranka Soomaaliyeed iyo shuruucdooda Maamulba sidey uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka Dalkaeenne Hooyo.

Mahadsanidiin

WADA SHAQEYN WACAN

Qore Ex.Xildhibaane Garweyne kuulow Aweys
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com