Dhageyso+Daawo: Caabudwaaq Oo Laga Hirgashay Masjid Weyn Oo Loogu Talo Galay Bulshadu In Ay Ku Cibaadaystaan.

0

DSC01775Caabudwaaq (AGGM): Magaalada Caabudwaaq oo ay ku soo badanayaan dhismaha Masaajida lagu cibaadaysto laguna tukado iyadoo maantana xaafada Octobar ee Magaalada Caabudwaaq laga hirgashay Masjid lagu magacaabo Masjidul Maxmuud.

Masaajidkan ayaa loogu talo galay in ay ku tukadaan islamarkaana ay ku cibaadaystaan dadweynaha xaafada Octobar gaar ahaan xaafada dayacan ee Magaalada Caabudwaaq waxaan gacanta ku haya Sheekh Cabdulaahi Cabdile Xirsi (sh.C/lahi Riboose) oo ah madaxa Dariiqada Qaadiriyada Ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud islamarkanaa waxa uu sheegay in uu yahay masjidkan mid dhamaan muslimiinta in ay ku cibaadaystaan loogu talo galay .

Masaajidkan ayaa dhismihiisa waxaa qayb weyn kaqaatay oo dhisay Maxamuud Cabdile Xirsi oo ku nool wadanka maraykanka islamarkaana sheegay in uu ugu talo galay in ay dadku ku cibaadaystaan maadaama ay masaajidu yihiin baydadka alle.

Sheikh c/laahi ribose ayaa ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano Gobolada dhexe gaar ahaan deegaanada Waqooyiha Galgaduud waxaana uu madax u yahay xerta qaadiriyada ah kuwaas oo leh mowlacyo waaweyn oo xerto wax ku barato waxna ay dadka ku baraan Munaasibada furitaanka masjidkan ayaa ku soo aadaysa xili lagu jiro bisha barakaysan ee mowliid oo ah bisha uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH islamarkaana lagu gudo jiro xuska maalinta weyn eek u began 12-ka bisha mowliid oo ah maalinkii uu dhashay Nabigeena NNKH.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Dhagayso Warka Caabudwaaq

DSC01802 DSC01800 DSC01795 DSC01794 DSC01793 DSC01791 DSC01789 DSC01788 DSC01779 DSC01778 DSC01777 DSC01776 DSC01775 DSC01772 DSC01771 DSC01770 DSC01769 DSC01768 DSC01767 DSC01765 DSC01764 DSC01762 DSC01760 DSC01759 DSC01757 DSC01754 DSC01753 DSC01752 DSC01751 DSC01750 DSC01749 DSC01829 DSC01828 DSC01809

Bashiir Sheikh Yuusuf Nadaara
Caabudwaaq, Soomaaliya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com