War Deg Deg Ah: Prof. Cabdiwali Gaas Oo Ku Guuleeystay Doorashada Madaxweynaha Puntland.

0

Gaas7Garoowe (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya hoolka ay ka socoto doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Prof Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas” uu ku guuleeystay Doorashadi Madaxweynaha Maamulka puntland ee maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Madaxweynihi hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa uu helay 32 cod  halka musharxa ku guuleeystay Xilka Madaxweynaha Puntlnad Cabdiwali Gaas uu helay 33 cod.

Warkan waxii kasoo kordha kala soco Allgalgaduud Media

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com