Dhageyso: Al-shabaab oo u hanjabtay Puntland

0

oMuqdisho (AGGM): Horjooge u hadlay Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugun horeeysay ka hadlay Doorashooyinka ka socda deegaanada maamulka Puntland.

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Digiin u diray Isimada iyo Xildhibaanada Maamulka Puntland oo ku aadan in aysan Marlabaad Dooran C/rixmaan Max’ed Faroole oo MUdo Shan sano ah Maamulayey Puntland.

Xasan Maxamuud Takar oo kamid ah Horjooge yaasha Al-shabab ayaa sheegay in Xildhibanada iyo Isimada ay si gooni ah u ugaarsan doonan hadii ay Doortaan Faroole oo ay sheegeen in uu la shaqeeyo Sirdoonka Reer Galbeedka.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay  in Faroole in uu marlabaad soo laabto ay ka shaqeeynayaan QM iyo Reer Galbeedka si Qeyradka loo Cuno.

Maalinta Bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay ka dhacdo Doorashada madaxtinimo ee Maamulka Puntland.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga… 

Wareeysiga Al-shabab ay Puntald ku Weerareen


Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com