Maqaal+Dhageyso: Cali Dacauun “Waxaa ii Muuqda Ra’iisul Wasaarihii Saddexaad Oo Jidka Ku Soo Jira”.

0

cali daacuun1Muqdisho, 07 Jan 2014 Waxaan maleynayaa in liiska cusub ay ku jiraan Wasiiraddii saxeexay mooshinka, kana danbeeyay inqilaabkii lagu riday Ra’iisul-wasaarihii hore.

Haddii ay dhacdo in saami beeleedkii 4.5 la lumiyo, waxaa iman doona in kuraasta Beeluhu ay kala badsadaan, halkaana waxaa ku burburi doona heshiiska ay Soomaalidu ku heshiisay Shirkii Carta, kii Nayroobi iyo kii ka danbeeyay ee lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Beesha Caalamku, waxay sugeysaa waxa ka soo bixi doona Ra’iisul-wasaaraha cusub, oo ah Xukuumad yar oo tayo leh, oo ka madax banaan FARA GELINTA MADAXWEYNAHA.

Nasiib darro, ma muuqato in ay Beesha Caalamku heleen himiladoodii, in kastoo ay fasax ku maqan yihiin (KIRISMIS), waxaana laga yaabaa inay u soo jeediyaan DHABARKA dowladdan uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo iman doonta in Beesha Caalamku ay ilaawaan KITAABKA YAR ee yaalla qasriga Madaxtooyada, inaanay DHEG danbe u dhigin, maxaa yeelay way ogaadeen inaan Madaxweynuhu ku dhaqmeyn DASTUURKA iyo WIXII ay Soomaali ku heshiisay inta laga gaarayo ONE MAN ONE VOTE.

Muqdisho ma qaadi karto DHOWR IYO KONTON GOLE WASIIR, sababta loo sameeyayna waxa weeye in Madaxweynuhu fuliyo ballan qaadyadii uu ballan qaaday, kolkii aad ila riddaan ra’iisul-wasaarihii hore Dr. Saacid, waxaan idin siinayaa wixii aad abaal-gud u yeelataan, waxaana badinayaa Xukuumadda; sidaas ayaa looga dhigay 55 Golaha Wasiirada, mana filaayo intoodii badneyd in ay ku qanci doonaan sida uu liisku ku soo bixi doono.

Golaha Cusub ee la magacaabi doono, kama duwanaan doono (BUURTII FOOLATAY EE JIIRKA DHASHAY), waxayna guul darro siyaasadeed ku tahay Ra’iisul-wasaaraha cusub, oo la moodaayay inuu yahay nin wax fahamsan, balse waxa uu u muuqdaa nin U OOMMAN inuu hal mar noqdo Ra’iisul-wasaare.

HAL SANO ayaa umadda soomaaliyeed ka khasaartay, waxaana u maleynayaa sanadka labaadna inuu ku lumi doono wax qabad la’aan iyo muran siyaasadeed oo si deg-deg ah u abuurma, waa haddii aan saadaasheydu KHALDANEYN.
Waxaan mar labaad iyo mar saddexaad ugu baaqayaa Ra’iisul-wasaaraha cusub, inuu geeyo baarlamaanka ISTIQAALAD, mar haddii awooddii fulinta uu la wareegay Madaxweynuhu, meeshana uu ka saaray 4.5 oo ah Heshiiskii ay Umaddu ku heshiisay, inta laga gaarayo doorasho ka dhacda dalka oo dhan.

Halkan Guji Kuna Dhageyso Warkan Mobilkaaga…

Siyaasi Cali Maxed Daacuun oo ku Xeel dheer Arimaha Siyaasada Dalka

Khabiir Siyaasadeed

Cali Daacuun
kheyreps@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com