Dhageeyso:Banaanbax ka socda Magaalada Muqdisho iyo Wadooyinka oo Xiran

0


Muqdisho(AGGM)
:Banaanbax ayaa waxa uu ka soconaya fagaaraha beerta Nabada waxana soo qaban qaabiyay  maamulka gobolka Banaadir.

Hadafka banaanbaxasi ayaa ah mid lagu taagerayo maashaaricda Turkiga ka wado dalka Soomaaliya waxana la filayaa inuu ka qeyb galo ra’iisul wasaaraha Dr.Cabdiweli Axmed Maxamed.

Dadka maanta isugu soo baxay fagaaraha nabada ayaa waxa ay ka kala yimaaden degmooyinka gobolka Banaadir waxana ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin erayo Turkiga ay ku taagerayaan iyo sawirada ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordagan.

Waxa si aad ah loo adkeeyay amaanka wadooyinka soo gala beerta nabada ciidamada booliska,amaanka iyo nabad sugida ayaa ka qeyb qaadanaya sugida dhanka amaanka.

Halkan ka dhageyso Warbixinta Bananbaxa

Warbixinta Banaan baxii maanta ka dhacayMuqdisho

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com