Daawo: Xafladi Mowliidka Nabigeena CSW Ee Magaalada Columbus Ohio.

0

IMG_0880Columbus, Ohio (AGGM): Xaflada Mowliidka oo ah xaflad sanadwalba lagu qabto dalka Maraykanka waxaa sanadkan marti galiyay Culumada Ahlusuna ee magaalada Columbus Ohio iyada oo xaflada looga yimid meelo aad u kala fog fog oo dalka iyo dibadiisaba ah waxaana xaflada lagu qabta goobta uguweyn goobaha xafladaha lagu dhigo taas oo qaada in kabadan 3000 oo Ruux.

Kumanaan dad ah ayaa buuxdhaafiyay goobta Mowliidka Nabiga CSW lagu qabanayay waxaana ka hadley culumo waaweyn oo laga yaqaan dalka iyo dibada kuwaas oo 2dii cisho ee la soo dhaafay Muxaadarooyin ku aadan Mowliidka ka waday Masjidul Al-Raxma oo ah masaajidka Ahlusuna ee magalada Columbus.

Waa xafladii ugu balaadhnayd tan iyo inta la xasuusanyahay oo lagu qabto Columbus inkabada 3000 oo Ruux ayaa ka soo qeybgashay.

Culumada ayaa dadka u soo jeediyay ahmiyada maalinta mowliidku u leedahay muslimiinta iyaga oo ka sheekeeay taariikhdii Subaneheena Nabadgalyo Dushiisa ha ahaatee.

Waxa ay muxaadarooyinka iyo hadaladu ku baxayeen Luuqadaha English iyo soomaali iyada oo la soo bandhigay Doorka bulshada ee ku aadan Diinta, iyo in xiligan uu yahay xili aad u xun oo ay badanyihiin dhibaatooyinka dadka diintooda qal qal galinay.

Digri iyo xadro ayay culumado soo bandhigeen waxaana xafladan ay noqonaysaa xafladii ugu balaadhnayd ee Columbus Nooceeda lagu qabto.

Ilaa iyo maalinta isniinta ayay sii socondoonan Muxadarooyinka iyada oo dadka loga jawaabayo su’aalohooda dhanka diinta.

IMG_0940

IMG_0894 IMG_0891 IMG_0885 IMG_0880 IMG_0871 IMG_0829 IMG_0867 IMG_0673 IMG_0971 IMG_0997 IMG_0687 IMG_0721 IMG_0851 IMG_0684 IMG_0781 IMG_0682 IMG_0681 IMG_0755 IMG_0759 IMG_0752 IMG_0788 IMG_0835 IMG_0679 IMG_0696 IMG_0675 IMG_0795 IMG_0727

Deeqo SONNA

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com